Home arrow Teknooligi- som arrow Maxaan u baahaney si aan u sameeyso shabakadda Internetka
Maxaan u baahaney si aan u sameeyso shabakadda Internetka PDF Print E-mail
Written by Abdifatah Gabeyre   
Sunday, 08 March 2009
Article Index
Maxaan u baahaney si aan u sameeyso shabakadda Internetka
Page 2
Page 3
Page 4
Dad badankood ma fahansana oo waa su'aal jawaabteedu mucjizo dadka qaarkood ula egtahey taasoo ka hor taagan iney bisniskooda u sameystaan shabakadaha Internetka lagala soo xariiri karo. Waxaan rabaa inaan maqaalkan kuugu sharaxo qalabyada kala duwan iyo isku habeynta aad howlo gelineyso marka aad horkac ugasho sidii aad shabakadaada u soo bandhigi leheyd. Qalabkaagu waa inuu yahey liiskan.-kumbuyuutar (inaan tan liiska ku daro maba aha)
  • -Internetka (highspeedka ayay howshan ku fududtahey)
  • -feylalka shabakaddu ka koobnaaneyso (masawirro, aqris qoraalo ah)
  • -Borograamyada shabakadaha lagu dhiso (ama Notepad haddii aad gacanta ku qoreyso)
  • -Borogaraamyada laga arko Internetka (Web browsers, such us Internet Explorer, Firefox etc.)
  • -Boos ku yaal Hooyga Shabakada Internetka ( Web Hosting space)
  • -Macag Shabakadaada (Domain Name) sida www.yourcompany.com <--fadlan dhag ha siin linkigaas
  • -Borogaraamyada aad Howyga Shabakada kula xareyso feylalka shabakaddaada (FTP Upload software)
Anigoo hal hal usii sharaxaya ayaan rabii in aan ka bilaaba waxa ugu muhiimsan oo aad la'aantiis waxba far u qaadi karin. Waa Kumbuyuutarka.

Kumbyuutarka.
Inkastoo dadka badankiis ogyihiin in shabakadaha internetka yihiin kuwo kumbuyuutar lagu diyaariyo, balhadana dad badan baan arkay ii hadda ka hor i su'aaley.

Internetka oo aad ku xirantahey
Si aad igu xirto amaba u gaarto dadka kuu daabacaya shabakaada, waa inaad awoodo in kumbuyuutarkaaga aad iyaga kala xiriiri karto. Taasi waa mid laga maarmaan ah markii aad diyaar u tahey in aad daabacdo shabakadaada adigoo feylalka u gudbanaya Kumbuyuutarrada mashruucyada shabakada internetka soo bandhiga.

Feylalka shabakadaada ka koobantahey
Shabakadda waxa ay ugu badnaantii ka koobantahey labo qaybood. Qayb ah feylalka qoraallada ah, iyo qayb ah waxii masawirro. Qaybta qoraalka ah aya usii kala baxa qoraalka aad u qorto si dadku u aqriyaan adigoo ku bandhigaya waxa aad ula jeedo shabakaada, iyo kuwa qoraaladaas bandhigooda loo qoro oo la yiraahdo HTML. HTML waa luuqad loogu talagaley in borograaamda dadku feylalka internetka ka dhex arkaan (web browsers, Internet Explorer, FireFox etch) ey fahmaan si ay usoo bandhigaan qoraallada aad daabaceyso. Qaybta ah masawirrada waa tilmaamayaal aqristahu qoraalladaada la xariirinayo oo shabakaada qurxinaya. Waxaa ugu internetka ugu badan masawirada elektaroonika ah kuwa magacoodu ku dhamaado .jpeg iyo .gif.


 
< Prev   Next >