| Su'aal iyo Jawaabo ku saabsan Free Hostiga |
|
|
|
| Written by Abdifatah Gabeyre | |
| Sunday, 24 January 2010 | |
|
Su'aal: Marka laguu furo domain Name Maxaa lagaaga baahanyahay.Qofkii domainka kuu soo furay hadda is ku dhacdaan makaaxirankaraa. Jawaab: Hadii domainka aad adiga furatay oo aad sign up sameysay adiga lacagtana credit cardkaaga ama (paypal) isticmaashay, username iyo passwordka accountiga hostiga adiga ayuu toos emailka kuugu soo dhacaya iyadoo qof dhexaadi ah jirin. Domain name-kuna waxa uu dhex degayaa host accountigaaga. Dhanka kale hadii HOST account qof leeyahay domain lagaaga dhex furo, waxaa Controlka sare haya qofka Host account-ga iska leh. Waxaa adigu access u leedahay feylalkaaga ka dhex muuqanaya domainkaaga kuu gaarka ah adigoo lagu siinayo FTP account username /password. Hase yeeshee waxaa meesha ka baxaya lacagta aad ku bixin laheyd Host-Account cusub oo ku dhowdhow $100 sanadkii. Haddii aad isku dhacdaan qofkii HOST-Acountiga lahaa oo domainkaagu ku dhex jiray, wuxuu awood u leeyahay inuu kaa xirto FTP acount-ga waa meesha aad feylalkaaga ka bedbedeli karto ama kuwo cusub gelin karto domainkaaga gaarka kuu ah sidaa darteedna kaala wareegi karaa domainka oo dhan. Su'aal: Shirkadaa domainka kuu so furtay usero gaar ah iyo passowero gaar ah miyee ku siineysaa si aanan cidna kaaga furan. Jawaab: Sxb, domain la furo waa in lagu dhex furo host account. Hadaad mid horey u leedahay kaas baa ka dhex furan kartaa, hadii aadan laheyna mid cusub baa iibsaneysaa (domainka markaa waa Free for live - bluehost) Sidaa darteed markii aad furato (iibsato) Host Account, Username iyo Password kuu gaar ah ayaa emailkaaga kuugu soo dhacaya kuwaasoo aad Control Panelka host-accountigaaga cusub ku geleyso. Su'aal: hadaad hostin qofleeyahay la fariisato dhib intee la eg aya akaaga imaanaayo. Jawaab: Waa dhici kartaa in qofka aad is af fahmi weydaan, sidaa darteedna waxaa fiican in qofka aad u sheegto inuu domainka transfer kuugu sameeyo oo aad Host kuu gaar ah usoo sameysato kadibna ku wareejisato. Balse qofku waa uu kaa diidi karaa inuu wareejiyo maadaama Host-giisa dhexyaalo domainkaagu. Marka sida ugu daran waa inaad halkaa ku weyso domain kaaga. Su'aal: kawran hadii uu qof kuu smaeeyo Naqshad kuuna soo furo Domainka hosti uu leeyahayna dhinac kaadajiyo, wana uu kuu soo sheegin xitaa in uu kuu soo diro fariin arintaasi haddi ay dhacado sidee ugu baxsan kartaa? Jawaab; Midda koowaad qofku marka uu kuu furu domain Hostigiisa kaaga dhex furo, waxa aad xaq u leedahay inuu ku siiyo FTP account (waa Username/password lagu soo galo host-ga qaybta domainkaaga) waana si fudud oo feylalka lagu manage-gareeyo sida feylal cusub gelintooda, tirtiridda kuwii hore, bedbedelkooda(edit) iwm. Marka hadii web siteka aad adigu dhiseyso si fudud ayuu arinkaa FTP account-gu kaaga caawinayaa oo ka badan maba loo baahna. Marka hadii FTP aan lagu siin, fadlan qofka weydiiso FTP accountigaaga kuu gaarka ah. Haduu diido, ha iska siin wax lacag ah ama service fee ilaa uu FTP shaqeynaya kusiiyo. Balse, ogoow adigana isfahanka ayaa ka muhiimsan wax kasta oo qofka xoog iyo muran wax maba ku socon karaan lagumana marsiin karo maxaa yeelay markastaa ogoo inuu qofku xukumo Master Host accountiga. Hadda Bluehost Host accountiga oo one Free Domain For life leh waa $83.00 per year. Waa kan ugu raqiisan uguna OPTIONS/FEUTURES badan oo anigu aan kuu diraayo hadii aad leedahay credit card ama paypal Fadlan halkaan riix oo soo fiiri ama isticmaal credit cardkaaga |
| Next > |
|---|








